Sarkaal Katirsan Hir-Shabelle Oo Xalay Lagu Dilay Beledweyne Iyo Howlgallo Kale

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay howlgallo kala duwan oo isugu jira dilal qorshaysan iyo duqeymo ka fuliyeen goballada Hiiraan, Sh/Hoose iyo Bay ee wada dhaca bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo katirsan ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay waxay magaalada Beledweyne ka fuliyeen howlgal fariid ah oo ay ku beegsadeen sarkaal katirsan ciidanka maamulka Hir-Shabelle.

Axmed Xasan Biriq oo ahaa sarkaal 2 xidigle ah islamarkaana si gaar ah kaga katirsanaa ciidamada Booliska maamulka Hir-Shabelle ayay Mujaahidiintu xalay waxay ku dileen xaafadda howlwadaag ee magaalada Beledweyne, halka sidoo kalena ay dhaawaceen labo askari oo ilaalo u ahaa sarkaalka la dilay.

Dhanka kale guutada jugta culus ee Xarakada Mujaahiidinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhig ay askarta DF ku leeyihiin deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Mujaahidiintu isla xalay waxaay 10 madfac la beegsadeen saldhigyo ciidan iyo xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Diinsoor, wararka qaar ayaana tilmaamaya in dab ka dhashay duqeynta uu ka kacay xarunta degamdaas, waxaana jira khasaaroohin kala duwan inkastoo aan wali faahfaahin laga hayn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.