Sawirro: Wilaayada Jubbooyinka Oo Ceel Ka Hirgelisay Deegaan Hoostaga Jilib

Maamulka Islaamiga ee Jubbooyinka ayaa Ceel Riig ah ka hirgeliyay deegaanka Gal Sheekh Abiir oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubadada Dhexe.

Dadka deegaanka oo baahi weyn u qabay ayaa si weyn usoo dhaweeyey Ceelkan laga qoday deegaankooda, waxaana ay sheegeen in dadka iyo duunyaduba ka faa’ideysan doonaan.

Deegaanka Gal Sheekh Abiirkar ayaa qiyaastii 55km u jira degmada JIlib, waxaana in muddo ah ka jirtay biyo yari baahsan, balse maamulka Islaamiga ayaa dadaal xoogan oo uu bixiyey ka dib halkaas ka hirgeliyey Ceel Riig ah.

Masuuliyiin ka tirsan wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka oo uu ka mid yahay Waaliga wilaayada Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa howllo kormeer ah ku tegay halka uu ka baqay Ceelka.

Ceel midkan la mid ah ayaa sidan oo kale dhawaan laga hirggeliyey deegaanka Jawaarey ee duleedka degmada Saakoow, waxaana howlahani ay ka mid yihiin dadaallada uu maamulka Islaamiga ee Jubooyinka ku hormarinayo adeegyada bulsho ee deegaanka.

Halkaan ka Daawo Sawirrada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.