Sh/Aadan Sunne oo Si Baaxad Leh Loogu Soo Dhaweeyay Wilaayaadka Islaamiga Ah.

Wilaayaadka Islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa soo gaaray Sheekh Aadan C/Raxmaan Warsame (Sunne) oo dhawaan kasoo tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Sheekha ayaa waxa uu wilaayaadka islaamiga ah kala kulmay soo dhaweyn iyo farxad, waxaana ilo wareedyo amni ah laga soo xigtay in Sheekha iyo qoyskiisa ay hadda dageen wilaayaadka.

Sheekha ayaa waxa uu la kulmay culimo, wax garad iyo qaar badan oo kamid ah qeybaha bulshada, waxaana loo muujiyay sida culimada xaqa la jahra looga jecel yahay dhulka Wilaayaadka.

Sheekh Aadan Sunne ayaa diintiisa darteed uga soo hijrooday magaalada Hargeysa, halkaasoo muddo dhowr jeer ah lagu xiray sababo la xiriira inuu ka hadlay fisqiga iyo xumaanta dhulkaas lagu faafinayo.

Hijrada Sheekha ayaa kusoo hagaagaysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ee Internetka aad looga hadal hayay waayidda laga waayay Hargeysa iyo dhibaatooyinkii uu Sheekhu kala kulmay maamulkaas.

Imaanshaha Sheekh Aadan Sunne ayaa dhabbaha usii xaaraya dad badan oo ku dhiban dhulka lagu maamulo Dimuqraadiyadda iyo magaalooyinka ay shisheeyuhu heystaan, iyadoo aan ognahay in wilaayaadka islaamiga si joogto ah loogu soo hijroodo.

You might also like
1 Comment
  1. Abuu curwa says

    Xarakada allaah ha barakeeyo meel ay ummadu usoo haajirto ayey u sameeyeen sheekhana allaah ha dhawro Waa geesi dhiiran.culimada ku hoos nool maamulada rida waxaan leeyahay dariiqa sh Aadan mara.

Leave A Reply

Your email address will not be published.