Shil Ka Dhacay Mareykanka & Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in shil gaari uu ka dhacay gobalka Texses ee yaalla koonfurta waddankaas, kaasoo sabatay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo marayay mid kamid ah wadooyinka waaweyn ee gobalka Texses, sida uu baahisay TV-ga CNN ee kasoo baxda dalka Mareykanka.

CNN ayaa xaqiijiyay in shilkaan uu sababay dhimashada ugu yaraan 9 ruux oo American ah, iyo dhaawaca labo kale.

Masuuliyiin katirsan Mareykanka ayaa sheegay in waddanka ay si maalinla ah ugu dhintaan ugu yaraan 100 ruux oo American ah, laba maalin oo kastana ay ku bur buraan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737, iyagoona sheegay inay bilaabayaan tallaabooyin wax looga qabanayo arrinkaas

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.