Shisheeyaha Oo Duqeyn Ku Laayay Dad Rayid Ah Oo Ay Ku Jiraan Caruur
Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federalka ay shalay gelinkii dambe dad shacab ah ku laayeen duqeymo arxan darro ah oo ay geesteen deegaan hoostaga dagmadda Jannaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamo ka tirsan shisheeyaha gaar ahaan kuwa Ugandha oo ka soo baxay magaalada Jannaale ayaa si bareera waxay madaafiic ugu garaaceen deegaanka Siigaale oo u dhow dagmada Jannaale waxaana duqaymahaas ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Inta la ogyahay waxaa madaafiicda ay ciiadamada shisheeye iyo kuwa DF ku garaaceen deegaankaas ku dhintay 5 ruux oo ay ku jirto hooyo iyo laba caruura oo ay dhashay, halka sidoo kalena ay ku dhaaawcmeen dad 10 ruux kor u dhaafaya.
Marka laga soo tago dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa sidoo kale duqayntaan ku dhintay xoolo badan waxaana ku burburay Masaajid iyo ugu yaraan saddex guri oo ku yaallay deegaanka la beegsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Askarta shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka iyo la jirayaashooda Soomaalida ah ayaa ku caan baxay dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku nool goobaha ay ku suganyihiin iyo kuwa ka agdhow waxaana marar badan duqaymo ay ka geesteen gobalka Shabeelaha Hoose ku dhintay dad badan oo rayid ah.