Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka & Khasaaro Ka Dhashay
Wararka ka imaanaya waddanka Mareykanka ayaa sheegaya in magaalada New York uu ka dhacay weerar toogasho ah oo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka ruux hubeysan ayaa rasaas huwiyay dad Ameerikaan ah oo ku sugan xaafadda Bronx ee magaalada New York, taasoo dhalisay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca mid kale.
Sarkaal ka tirsan waaxda booliska ee New York ayaa warfideyeenada la wadaagay in nin hubeysan uu si arxan daro ah oo aan kala sooc laheyn uu rasaas ugu shaqanay dad taagnaa afaafka hore ee xarun laga tukaameesto, waxaana ku dhaawacmay laba ruux oo mid kamid ah ay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa taasoo oo keentay inuu u dhinto.
Sarkaalkaan Ameerikaanka ah ayaa intaasi ku daray in ilaa iyo iminka aysan jirin qof loo soo qabtay falkaani.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili saacadihii lasoo dhaafay booliska Mareykanka ay shaaciyeen inay baadi goob ku hayaan nin hubeysan oo wajiga qarsaday, kaasoo sagaal cisho gudahood shan weerar oo kala duwan ka geystay magaalooyinka Washington DC iyo New York, isagoo tooganayay dadka darbi jiifka ah oo uu ku gaado waqtiga ay hurdayaan.