Toogasho Wadareed Dad Badan Lagu Laayay Oo ka Dhacaday Dalka Mexico.
Warar ka imaanaya dalka Mexico ee dhaca waqooyiga Ameerika ayaa tilmaamaya in dabley hubeysan oo loo malaynayo inay kooxo gangs ah yihiin ay weerar dad badan ku dhinteen ka geysteen goob ku taalla galbeedka dalkaas.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Las Tinajas ee gobolka Michoacan, halkaasoo oo ay ka jirtay munaasabad tartan ah oo ay usoo daawasho tageen dad badan, waxaana ka dhashay weerarka khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dableyda hubeysan ee weerarka soo qaaday ayaa rasaas aan loo meel deyin waxay la dhaceen dadkii ku sugnaa goobta, taasoo sababtay inay dhintaan ugu yaraan 20 ruux halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyadooda loo qaaday goobaha caafimaadka.
Mas’uuliyiinta Mexico ayaa sheegay in 17 ka mid ah dadka dhintay ay rag ahaayeen halka 3 kalena ay yihiin dumar waxayna dhacdadaan ku tilmaameen inay tahay mid ka mid ah toogasho wadareedyadii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca.
Gobalka Michoacan oo ah halka ay ka dhacday toogasho wadareedkaan ayaa waxaa ku xooggan kooxaha maafiyada ah waxana inta badan ka dhaca iska hor- imaadyo u dhaxeeyay kooxahaas kuwaasoo ay ka dhashaan khasaarooyin baaxad leh.