Ukraine Oo Sheegtay Inay Dishay Janaraal Katirsan Ciidanka Ruushka
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in ciidamadiisa ay dagaal ku dileen jenaraal kale oo Ruush ah oo ka mid ahaa saraakiisha hogaaminayay duulaanka Ruudsha ee Ukraine.
Zelensky Ma uusan magacaabin jananka ladilay, balse lataliyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine Anton Gerashchenko ayaa waxa uu sheeshay in ninka la dilay uu yahay Sarreeye Gaas, Oleg Mityaev.
Sida ay sheegtay warbaahinta Ukraine Jenaraal Mityaev waxaa lagu dilay meel u dhaw magaalada Mariupol ee koonfur bari dalkaas, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay.
Mityaev, ayaa hadda ahaa taliyaha qaybta 150-aad eee ciidanka lugta, isagoo horay uga soo dagaalamay dalka Suuriya, waxaana sanadkii 2016-kii loo magacaabay taliyaha saldhiga ciidamada Ruushka ee Tajikistan.
Waa sarkaalkii afaraad ee Raashiyaan ah oo ay Kyiv sheegtay in lagu dilay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.