Weerar Gaari Loo Adeegsaday Oo ka Dhacay Dalka Belgium & khasaare Xooggan Oo ka Dhashay

Wararka ka imaanaya waddanka Belgium ayaa tilmaamaya in magaalado ku taalla koonfurta dalkaas uu ka dhacay weerar geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas ugu yaraan 6 ruux ayaa dhintay tobanaan kalena dhawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari ladulmariyay dad Kirishtan ah oo ku sugnaa goob ay ka dhacaysay xaflad oo ku taalla magaalada Louvier oo qiyaastii 50KM koonfur ka xigta magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka.

Duqa magaalada Louvier ayaa wakaaladda warraka ee AFP u Sheegay in gaari  xawaare sare ku socday la dulmarsiiyay dad ka qeyb qaadanayay xaflad halkaas ka socotay oo loogu dabaal degayay ciida Kaatholiga waxaana ku dhintay 6 ruux halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo 12 kamid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Tirada dadka khasaaraha ka soo gaaray weerarkaan oo saakay ka dhacay ayaa ah mid isi soo taraysa iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan ilaa 70 ruux.

Booliska dalkaas ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeeen darawalkii waday gaariga xili uu isku dayay inuu baxsado waxayna intaas ku dareen inay socdaan baaritaano lagu hubinayo in falkaani uu yahay mid ula kac iyo in kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.