Weerar Lagu Beegsaday Askarta Kenya Oo Ka Dhacay NFD Iyo Howlgallo Kale.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay weerar culus ku ekeeyeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegan katirsan gobalka Mandheera ee dhulka NFD ay dowladda Kenya Xoogga ku heysato.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal xooggan ku qaaday saldhig ay askarta Kenya ka sameesteen deegaanka Ceel-Raamo oo hoostagta degmada Ceel-Qaalow ee gobalka Mandheera, waxayna Mujaahidiintu xerada Kenyaatiga ku weerareen hubka cul culus.

Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar toos ah waxay ku qaadeen saldhigga ciidanka Xabashida itoobiya ee degmada Xudur ee gobalka Bakool, waxaana jira khasaare soo gaaray askarta Xabashida ee ku sugneyd saldhigga la beegsaday.

Sidoo kale ciidamada militariga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgal gala wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose ayaa habeenimadii xalay waxay weerar fool ka fool ah ku qaadeen fariimo ay ciidamada Ugandha ku leeyihiin degmada Jannaale iyo deegaanka Danow ee gobalka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.