Weerar Lagu Dilay Askar Katirsan DF Oo Ka Dhacay Dhuusamareeb

Sid ay tilmaamayaan waraka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb ka dhacay weerar lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Gorgor oo uu soo taba baray Turkiga.

Weerarka oo dharaar cad ka dhacay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa geestay dabley hubeysan oo sida la sheegay ka tirsan kooxda Suufiyada waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal weerarka ayaa waxaa lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor oo ay horey halkaas u geysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale dableyda ayaa horay usii ka xeestay gaari ciidan oo ah nuuca soomaalidu ay u taqaanno Cabdi Bilaha oo ay wateen askarta ladilay, waxayna la aadeen sida wararka lagu helay dhinaca degaanka Bohol oo fariisin u ah kooxda Suufiyada.

Maleeshiyaadka Suufiyada oo xoog looga saaray deegaano ay gobalka Galgaduud ka maamuli jireen ayaa waxay dhowaanahaan bilaabeen weeraro gaadmo ah oo ay ku beegsanayaan askarta maaamulka Galmudug iyo kuwa DF ee fariisamaha ku leh qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.