Weeraro Lagu Dilay Ku Dhawaad 10 Askari Oo Ka Dhacay J/Hoose
Wararka aan ka heleyno gobalka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta qeybo kamid ah gobalkaas ay ka dhaceen weeraro dhowr ah oo khasaaro culus lagu gaarsiiyay askar katirsan kuwa muumulka Jubbaland.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saddex weerar oo dhabba-gal ah u dhigay ciidamo ku socdaayay duleedka magaalada Kismaayo, waxaa ka dhashay waxyeello xooggan oo soo gaartay askartii ku dhacay kamaa’inka loo dhigay.
Ugu yaraan 8 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarada dhabba-galka ah ee loogu sii diyaariyay halkaas.
Maalin ka hor ayay aheyd markii weerar cagmarin ah ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisinka askarta Jubbaland ee deegaanka Siingaleer ee dhaca duleedka Kismaayo, kaasoo lagu dilay 4 askari, halka lagu dhaawacay 6 kale, iyadoona lagu bur buriyay gaari Cabdi Bile ah.