WSJ : Ciidanka Dowladda Federaalka Weli ma Hanan Karaan Ammaanka Soomaaliya. [WARBIXIN ]
Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay in uu fuliyey duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha duuliye la’aanta ah taas oo ka dhacday deegaan qiyaastii 40 mile u jira magaalada Muqdisho.
Duqeyntan ayuu talisku ku sheegay in culeyska looga qafiifinayey ciidamo ka tirsan DF-ka oo go’doomay kadib markii ay kamiin culus kala kulmeen xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Arrintan waxay dhacaysaa iyadoo Xarakada Al-Shabaab ay bilihii lasoo dhaafay fulisay silsilado weeraro ah oo isugu jira qaraxyo, weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan kuwaas oo badankood ka dhacey magaalada Muqdisho laguna kala dhantaalayey hanaanka doorashada baarlamaaniga ah ee ka socota wadanka.
Si guud waxay Xarakada Al-Shabaab ballaarisay weerarada ay ka fuliso guud ahaan gobolada Soomaaliya si ay sharciyada uga qaado xukuumada uu hoggaamiyo Farmaajo , una majaxaabiso taageerada waxa loogu yeero beesha caalamka ee tabantaabiya xukuumadda taagta daran ee degan Villa Somalia.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo muddo dheer saameyn xooggan ku leh koonfurta iyo bartamaha Soomaliya ayaa sidoo kale u dustay deegaanada loo yaqaano NFD ee ay xooga ku heysato Kenya, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo military oo ay kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Police-ka iyo kuwa military-ga ee Xukuumada Nairobi.
Wargeyska Wall Street Journal wuxuu leeyahay: dhulka ay imika maamusho Xarakada Al-Shabaab ayaa aad u ballaartay waxaana Xarakada hadda lagu tiriyaa mid ka mid ah jamaacaatka ugu kartida badan ee Islaamiyiinta dagaalama, waxayna ku rajo weyn tahay in ay sida Taliban oo kale qabsato guud ahaan Soomaaliya marka ay soo idlaato taageerada ay beesha caalamka u fidiso xukuumadda Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa dhawaan sameeyey qorshe lagu xoojinayo amniga Soomaaliya, laguna xakameynayo isfidinta Mujaahidiinta. Bishii lasoo dhaafay midowga Africa iyo xukuumada Federaalka ayaa gaaray is afgarad lagu ballaarinayo howlgalka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya kuwaas oo mudada howlgalkoodu ku ekaa 31ka bisha March ee sanadkan 2022-ka.
Muddo kordhintan ayaa keentay in la sameeyo isbedel mudnaanta siinaya kala wareegga mas’uuliyada amni ee wadanka, iyadoo la xoojinayo tababarka iyo hormarinta ciidamada iyadoo la adeegsanayo magac cusub oo loo bixiyey:, kaasoo ah “howlgalka kala wareegga ee Soomaaliya” oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano ATMIS.
Hadda Afrikaantu waxay sheegaan in ay wadanka ka joogaan 22,000 oo askari kuwaas oo sida wargeysku sheegayo shaqadoodu tahay un in ay ka hortagaan furasho iyo futuuxaad horleh oo ay sameeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab islamarkaana aanan wax niyad ah u heynin in ay iyaga duullaan qaadaan.
Ciidamada dowladda federalaka ayuu wargeysku sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay qaadayeen isku dayo weeraro ah oo ay doonayaan inay ku muujinayaan ina y leeyihiin isku filnaansho ayna weerari karaan cadowgooda iyagoo aanan heysan taageerada diyaaradaha Mareykanka, balse askartan ayaa ku jabay dagaaladii ugu dambeeyey ee ay ku qaadeen saldhigyada jihaadiyiinta ee Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose, qaarkood ku qasbanaadeen inay qeylo dhaan u dirsadaan diyaaradaha Mareykanka kadib markii ay go’doomeen sidaba ka dhacday weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay xadka ay iska galaan Hiiraan iyo Sh/dhexe” ayuu leeyahay wargeyska World Street Journal.
Xitaa haddii ay weeraro ku qaadaan deegaanada ay maamulaan jihaadiyiinta waxaa wargeyska Wall Street Journal uu sheegayaa in askarta Soomaalida aysan lahayn awood ay ku sii difaacdaan magaalooyinka ay qabsadaan sidaas darteedna looga taag waayey in maalmo kooban ku nagaadaan goobaha ay gaaraan.
Wuxuu sheegay in aysan awood u lahayn in ay iska difaacaan weerarada rogaalcelinta ah ee ka imaanaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo xeelado millitery uga baxa deegaannada ay soo weeraraan askarta Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.
Mareykanka ayaa bishii Dec. ee sanadkii 2020ka sheegay inuu la baxay ku dhawaad 700 oo askari oo ku sugnaa Soomaaliya si ay tababaro iyo talooyin xagga dagaalka ah u siiyaan askarta Soomaalida ee dagaalka kula jira Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse sidaas oo ay tahay hadana weli waxaa Soomaaliya ku sugan boqolaal askari oo kale kuwaas oo meelo kala duwan oo wadanka ka mid ah ku bixiya tababaro military, sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo.
Bishii lasoo dhaafay Safiirka cusub ee Mareykanka, Laari Andaree, taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, Steven Townsend iyo saraakiil katirsan DF-ka ayaa booqasho ku tagey saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle halkaas oo saraakiil ciidamo American ah ay ku bixinayaan tababar la siinayo askar Soomaali ah oo uu Maraykanku ku adeegto.
Laari Andaree ayaa sheegay inuu Mareykanku dadaal xoogan ku bixin doono dhismaha ciidamo awood leh oo la dagaalamo waxa uu ugu yeeray argigixisada oo uu ula jeedo Muslimiinta difaacanaya dalkooda.
Ugu dambeyntii wargeyska World Street Journal wuxuu leeyahay “ Xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta wadanka oo lagu daray kala wareegga uu galay howlgalka AMISOM, lagu sii daray Al-Shabaab oo dhiiranaan xad dhaaf ah ka qaaday guushii Islaamiyiinta ee Afghanistan, waxay caqabad gaar ah ku keentay xukuumada taagta daran ee ka jirta Soomaaliya, sidaas darteed waa in taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM uu xukuumadan ka caawiyaa sidii culeyskaas looga qafiifin lahaa”.