20 Ruux Oo Ku Dhimatay Iska Hor-imaadyo Ka Dhacay Dalka Haiti.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen isku dhacyo u dhaxeeyay kooxo hubeysan oo dhacay duleedka magaalada Port-au-Prince ee caasamadda wadanka Haiti.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku warantay in dadka ku dhintay iska hor imaadyadaan ay kamid yihiin 8 ruux oo hal qoys ah oo ay ku jiraan caruur , iyadoo xustay in dhowr boqol oo qof ay ka barakaceen deegaannada ay dirirku ka dhacay.

Dagaallo qaraar ayaa maalmihii lasoo dhaafay kooxo hubeysan oo maafiyo ah ku dhexmarayay deegaanno ku teedsan wadada isku xirta caasimadda iyo gobolada waqooyi ee dalkaasi, sidoo kale isku dhacyo khasaare sababay ayaa ka dhacay xadka uu dalka Haiti la wadaago Jamhuuriyadda Dominika.

Sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee dalkaas xaaladda ammaan iyo tan bini’aadantinimo ayaa sii xumaatay tan iyo markii la dilay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise 7- bishii July ee sanadka 2021-da.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in kororka awoodda kooxaha hubaysan ay khatar ku tahay jiritaanka wadanka Haiti, islamarkaana ay albaabada u furayso mowjado xasillooni daro ah oo ka dhacda gobolka Kariibiyaanka ee ka kooban 25 dal oo uu ku jiro wadanka Haiti islmarkaana dhaca waqooyiga Ameerika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.