Al-Shabaab: “Berri waxaa la dhameystirayaa Soonka” (Bayaan)

Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay aad ugu dhag taagayeen warka ku saabsan in berri la ciidayo amaba soomka la dhameystirayo ayaa waxaa goor dhow war arrintaasi ku saabsan soo saaray Xarakada Al-Shabaab oo arrimahan ay dadku had iyo goor ka sugaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay maktabka Garsoorka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in maalinimada Axadda oo berri ah la dhameystirayo bisha Ramadaan halka maalinta Isniinta ay tahay maalinta ciidul-Fitriga ee koowda bisha Shawaal.

“Kadib Baaritaan dheer oo uu maktabka Qadaha Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyay wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa adkaatay in la arko bishii Shawaal, sidaas darteed, maalinta Axada ee berri ah waxaa la dhamaystirayaa bisha Ramadaan, ciiduna waxay noqonaysaa maalinta Isniinta ah” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Maktabka Garsoorka Xarakada Al-Shabaab..

Shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay inay Allaah uga mahad celiyaan nicmooyinka uu ku galladaystay, isla markaana farxada ciida la wadaagaan dadka masaakiinta ah, fuqarada, agoonta iyo kuwa aanan waxba haysanin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.