Askar Burundi Ah oo Lagu Dhaawacay Sh-Dhexe, & Gudoomiye Waaxeed Lagu Dilay Baydhabo.
Habeennimadii xalay ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku ekeeyay fariisimo ay ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin qeybo kamid gobalka Sh-dhexe.
Fariisimaha lagu weeraray Burundeyska ayaa ku kala yaalla deegaannada Buurane iyo Biya Cade oo kawada tirsan Sh-dhexe, waxaana weeraradaas ka dhashay khasaare soo gaaray shisheeyaha.
Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen weeraradii xalay dhacay, Waxaana suuragal ah in khasaaruhu uu intaas kasii bato.
Dhanka kale magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa habeenkii xalay ka dhacay weerar ay Mujaahidiintu ku qaadeen Bar-koontarool oo askarta Koonfur-Galbeed utiillay gudaha magaalada.
Koontaroolka Makuudo ayaa lagu weeraray ciidamadaan, waxayna Mujaahidiinta halkaas ku dileen mid kamid gudoomiye waaxeedyada maamulka Koonfurta-Galbeed ugu magacaaban magaalada Baydhabo.