Askar Yahuud Ah Oo Lagu Dhaawacay Weerar Gaari Jiirsiin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Al-Naqab.
Weerar loo adeegsaday gaari ayaa lagu beegsaday askar katirsan ciidanka maamulka Yahuudda, kuwaas oo ku sugnaa bartamaha magaalada Al-Naqab ee kamid ah dhulka Muslinka ah ee Falastiin ee ku jira gacanta gumeysiga Yahuudda.
Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in ruux kaxeynayay Gaari uu si bareer ah u jiirsiiyay askar ka tirsan ciidanka Booliska ee maamulka Sahyuuniyadda, waxaana ku dhaawacmay labo askari, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo Isbitaallada magaalada Al-Naqab.
Muuqaal laga soo qaaday goobta uu weerarku ka dhacay islamarkaana lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa waxaa lagu arkayay askarta dhaawacantay oo dhulka daadsan.
Weerarkaan ayaa ku soo aaday xili dadka Yahuudda ay dhigeen isku soo baxayo ay ku dalbadeen in shaqada laga eryo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Naftali maadaama ay si cad ugu fashilantay wax ka qabashada weerarada kaligii duulnimada ah ee sida joogta ah loogu beegsanayo Yahuudda isugu jirta askar iyo shacab intaba, kuwasoo ay fulinayaan dhalinyarada Muslimiinta ah ee Falastiin ee diidan gubeysiga lagu heysto dhulkooda.