Barayaal Ajaaniib Ah Oo Lagu Dilay Qarax Lagula Deegsaday Dalka Pakistan.
Ugu yaraan 5 ruux oo ay ku jiraan 3 ajaaniib ah ayaa lagu dilay qarax xooggan oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen barayaal jaamaceed.
Macallimiintaan oo badankood kasoo jeeda dalka Shiinaha ayaa waxaa qaraxa lagula beegsaday gudaha jaamacadda Karaaji ee ku taalla magaalada Karaaji ee koonfurta Pakistan.
Mid kamid ah masuuliyiinta amniga ee magaalada Karaaji oo lagu magacaabo Maqdis Xeydar oo warbaahinta la hadlay ayaa Weerarkaan ku sifeeyay inuu yahay wuxuu ugu yeeray mid argagixiso.
Waxa uu intaas ku daray in gaariga ay saarnaayeen barayaal jaamaceed oo kasoo jeeda dalka Shiinaha, isagoona tibaaxay in 3 kamid ah macallimiintaan la dilay ay ahaayeen Shiinees.
Wararka ayaa intaas ku daraya in marka laga soo tago dhimashada 5-taan ruux ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 3 kale, kuwaas oo la dhigay xarumo caafimaad.
Kooxaha gooni ugoosadka ee dalka Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaan, waxayna saraakiisha xukuumadda Islam Abad ay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira qarxa.