Col. Saney oo Ka Badbaaday Qarax Lagana Dilay 12 Ilaaladiisa Ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay qarax culus la beegsatay kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Col. Saney Cabdulle oo kamid ah saraakiisha milatariga DF.

Saney ayaa xalay kasoo guureeyay magaalada Muqdisho isagoo sida la sheegayo doonayay inuu si dhuumaaleysi ah ku maro wadada islamarkaana aado Sh/dhexe.

Kol uu marayo inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar ayaa qarax weyn lala beegsaday kolonyadiisii, waxaana inta la xaqiijiyay ku burburay gaari Cabdibile ah iyo 12 askari oo saarnayd.

Ciidankaas ku dhintay qaraxa ayaa ahaa ilaalada gaarka ah ee Col Saney Cabdulle, saraakiil ka tirsan DF ayaa sheegay in korneylka uusan cidna la wadaagin safarkiisa Sh/dhexe, saasoo ay tahayna ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ogaatay.

DF ayaa ka caagan iney ku socdaasho wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar iyadoo mas’uulkii ku dhiiradana uu halkaasi ku weynayo nafsaddiisa ama ciidamadiisa.

Saney Cabdulle oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay saaka ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu xilligaasi ka hadlo dhacdada iyo wixii ku gaaray qaraxii xalay lagula beegsaday wadada xiriirisa Jowhar iyo Xamar.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.