Dagaalo U Dhaxeeya Jabhadda Oromada Iyo Ciidanka Abiy oo Ka Socda Itoobiya.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Oromiya ayaa waxay sheegayaan in maalmahanba uu halkaasi dagaal ku dhex marayo ciidan uu soo diray Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo kuwa jabhadda gobolkaas ee magacooda loo soo gaabiyo OLA.

Dagaalada ayaa la sheegayaa iney yihiin kuwa guurguuraya oo hadba degaan ka dhacaya, ciidanka Oromada waa kuwa jabhadeynaya halka askarta Itoobiya ay doonayaan in la is hor yimaado oo mar qura dagaalada lagu kala boxo.

Tan iyo markii ay hakadeen dagaaladii u dhaxeeyay xukuumadda Adisababa iyo Tigre ayaa waxaa muuqanaya in Abiy uu ku fakaray iney awood u isticmaalo Oromada oo iyagu aaminsan inuusan ka adkaan karin nidaam iska dhicin waayay TPLF.

Dowladda Itoobiya iyo warbaahinteeda ayaa isla ilaalinaya iney ka hadlaan dagaalka, halka dhinac ee warbixinada soo gudbinayaha waa Jabhadda Ola oo kaliya.

Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee Oromada ayaa cambaareeyay dagaalka ay xukuumaddu ku qaaday gobolkooda, waxay sheegeen in dagaaladan ay sababi karaan in shacab weynaha Oromiya ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Jabhadda.

Itoobiya ayaa dagaalkan ku galeysa si indho la’aan ah, waxaa lasoo warinayaa in ay xirtay afartameeyo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo joogay magaalada Jigjiga kuwaasoo ay ku eedeysay iney dhanka saadka ka taageerayeen jabhadda Ola.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa dhallinyarada la qafaashay loo kala safriyay gobollo kala duwan si loo xabiso waxaana ugu caansan nin lagu magacaabo Ibraahim Axmad Quulaay oo lagu eedeynayo inuu dhanka macluumaadka iyo talooyinka ka caawinaya Jabhadda Oromada.

Dagaallo xiriir ah ayaa dalka Itoobiya ka socda muddo sannado ah waxaana la isku waafaqsan yahay in ay daciifiyeen awooda dowladda dalkaas ayna adkaan doonto in qowmiyadaha yaryar ee Kiristanka ahi kusii amar taagleeyaan qowmiyadaha waaweyn ee u badan Muslimiinta sida Oromada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.