DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Tiro Madaafiic Ah Ku Garaacay Xarunta Baarlamaanka DF.
Tiro madaafiic ah ayaa lala bartilmaameedsaday albaabka laga galo xarunta Villa Hargeysa, waxaana xilligii ay madaafiicdu ku hoobanaysay xarunta ka socday kulan ay isugu yimaadeen labada gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka.
Sida ay wararku tilmaamayaan waxaa mar qura is badalay jawigii xarunta, iyadoona uu istaagay kulankii ka socday halkaas.
Xaalad jaha wareer iyo isku dhex yaac ah oo isku badalay shirka, waxaana goobta ku kala yaacay xildhibaannadii iskugu yimid xirada.
Madaafiicda ayaa lagu soo waramayaa inay getsteen khasaare kala duwan, waxaana khasaara horu dhac ah oo ay baahiyeen ilaha qaar tibaaxayaan in labo kamid ah ilaalada Cabdiraxmaan CabdiShakuur ay ku dhaawacmeen duqeynta.
Wixii warar ah ee kusoo kordha madaafiicdaan lagu gaaray xarunta villa hargeysana waxaad ku dhagaysan doontaan wararka iyo barnaamijyada soo socda insha’allaah.