DEGDEG: Al-Shabaab Oo Markale La Wareegay Degmada Matabaan.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan militariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal kooban kadib waxay goordhow si buuxada ula wareegeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidankii ku sugnaa magaalada oo awoodi waayay inay ka hortagaan Mujaahidiinta ayaa halkaasi isaga firxaday.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka waxaa gudaha magaalada Matabaan lagu arkayaa ciidamada Mujaahidiinta oo wata raayada Toowxiidka islamarkaana dhexmaraya wadooyinka magaalada, iyagoona dadweynaha reer Matabaan kala kulmay soo dhaweyn diiran.

Saraakiil katirsan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah kula hadlay dadka magaalada Matabaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay magaaladaan u gacan gasho ciidamada Al-Shabaab balse marar badan ayay sidaan oo kale ula wareegeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.