DEGDEG: Ciidamada AlShabab oo la wareegay Deegaanka Warmaxan ee gobalka Sh/ Hoose.

Dagaalyahanno aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar cag marin ah ku qaaday saldhigyada iyo dhufeysyada ay ciidanka DF ku leeyihiin deegaanka istiraatiijiga ah ee Warmxaan oo ku yaalla wadada dheer ee isku xirta caasimadda Muqdisho iyo saldhigga ciidamada cirka ee Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal xooggan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa ciidanka Al-shabaab u suura gashay inay gabi ahaanba la wareegaan deegaanka Warmaxan.

Ciidanka Mujaahidiinta ayaa weerarka kadib waxay duleedka deegaanka Warmaxan ka sameeyeen howlgllo lagu baacsanayo firxadka askartii ku sugneyd deegaanka ee dagaalka looga itaalka roonaaday.

Sida ay wararka tilmaamayaan khasaarooyin kala duwan ayaa dagaalka lagu gaarsiiyay askarta DF ee halkaas ku sugnaa balse wali wax faahfaahin ah kama aanan helin xaddiga khasaare ee ka dhashay weerarka cag marinta ah.

Sidoo kale war goorhdaw soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay la wareegeen deegaan la yiraahdo Lambar-80 kaas oo 7-KM ujira degmada Wanlaweyn ee gobalka Sh-hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.