Dhageyso Waaliga Sh/Hoose oo Booqday Furimaha Afgooye.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, Sheekh Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan ayaa booqasho ku tagay jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan aagagga degmada Afgooye.
Wuxuu si gaar ah ula kulmay guuto kamid ah ciidamada aaggaas ka hawlgala islamarkaana weerarada joogtada ah ku qaaday ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.
Sheekha ayaa ujeedada socdaalkiisa ku sheegay booqasho iyo salaan, waxaana uu ciidamada u jeediyay kalimad isagoo ku dhiira galiyay hawsha ay hayaan.
Wuxuu kula dardaarmay iney ka faa’iideystaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo ka fursad badan bilaha kale, wuxuu ugu baaqay iney sii laba jibaaraan garab u raaricinta bulshada iyo la dagaalanka shisheeyaha iyo DF.
Intii ay khudbadda waaliga socotay waxay ciidamadu ahaayeen kuwa aad u dhuuxayay mararka qaarna waxay kor ugu dhawaaqayeen magaca Allaah (Allaahu akbar)
Ciidamada XSHM ee ka hawlgala aaggaga degmada Afgooye ayaa ku guuleystay iney meesha ka saaraan isbaarooyin badan oo ay ciidamada DF lahaayeen, tan oo gaadiidka dad weynaha u sahashay safarkooda hoosna u dhigtay lacaga aan sharciga ahayn ee laga qaado.