Doon U Rarnayd Ganacsatada Somaliland oo Ku Gubatay Kuna Degtay Badda Yeman.

Doonta ayaa habeenkii xalay waxa uu dab ku qabsaday Dekeda Cadan Ee Tawaahi waxaana ku gubtay hanti badan sida laga soo xigtay qaar kamid ah ganacsatada.

Doonta uu dabku qabsaday ayaa dooneysay iney usoo socdaasho Dekeda magaalada Berbera. Waxaa la xaqiijiyay in badeecadaha Doonta ku rarnaa ay u badnaayeen Bagaash taasoo inteeda badan uu lahaa Ganacsade lagu magacaabo Rashiid Ibraahim Ciise oo kamid ah Ganacsatada waaweyn ee Somaliland.Ibraahim ayaa sidoo kale ah Wakiilka Sigaarka Qamdanka Ee Dalka Yemen Lagu Sameeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Doonta uu mulkiyadeeda leeyahay Ganacsade kamid ah kuwa Waqooyiga oo la yiraahdo Cali Ducaale kaasoo caan ka ah Hargeysa laguna garanayo inuu muddo dheer ku shaqeysan jiray Doonyaha.

Garaad Jibriil Faatax oo ah wakiilka doonta uu dabku qabsaday ayaa sheegay in markii uu dabku kacay uu si degdeg ah ugu faafay doonta taasoo sababtay in gabi ahaanba doonudu gubato halkaana ku baaba’aan Caana-booraha, saliido iyo bagaash tira badan.

Ganacsade Rashiid Ibrahim Ciise ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay in hantida doonta ku gubatay ay gaareysay 711000$ (todobo boqol toban iyo kow kun oo doolar) wuxuu intaa ku daray in badeecaduhu kala ahaayeen 20.000 kartoon oo Caano-boore ah iyo 7000 karton oo Saliid ah.

Dhinaca kale Mulkiilaha Doontani gubatay Cali Ducaale Maxamed ayaa sidoo kale isagoo jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya warbaahinta u sheegay in Doontani uu dhawaan kasoo iibsaday dalka Hindiya uguna fadhisay lacag gaareysa 400$ Kun oo Dolar, wuxuu ku shaqeysanayay muddo 4 bilood ah oo kaliya iyadoo safarro ku kala bixisay Yemen Iyo Jabuuti safarkanina wuxuu ahaa keedii ugu horeeyay ee ay Somaliland ku timaado. Wuxuu shaaciyay in dabku ka dhashay makuunadda doonta.

Si kastaba ha ahaatee mulkiile Cali Ducaale Maxamed ayaa sheegay inay Doontani noqonayso tii 5aad ee ka gubata ama Bada kaga gagta laga soo billaabo 1999 ilaa sannadkan 2022. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in lacagta kaga maqan shantaasi doonyood ay gaarayso 1900,000$ (milyan Iyo sagaal boqol oo kun oo Dollar).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.