Faahfaahin Kasoo Baxaysa Iska Hor Imaadyo Shalay Ka Dhacay Jeelka Hargeysa.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaadyo maalintii shalay ka dhacay Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa halkaasoo ay ku wada xiran yihiin dad kala duwan oo isugu jira kuwa loo heysto arrimo diineed iyo qaar loo heysto burcadnimo iyo wax yaabo kale.
Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dhashay kadib markii xabsig lagu soo xeray nin Allaah Caza wajalla iyo Rasuulka Sallalaahu Caleyhi wasallam iyo diintaba caayay kaasoo ay joogitaankiisa goobta diideen dadkii kale ee maxaabiista ahaa.
Waxay markii hore diidmadooda ku billaabeen gadood iyo dibadbax ay sameeyeen si ay u muujiyaan dareenkooda, waxay diideen iney qolalkooda galaan iyo iney ilaaliyaan nidaamka xabsiga illaa inta laga saarayo ninka gaaloobay ee Alle iyo rasuulka ku dhiiraday.
Ciidamadii xabsi hayeyaasha ahaa ayaa ka carooday gadoodka maxaabiista mana garwaaqsan arrinka ay diidan yihiin, sidaa darteedna waxayba billaabeen iney budad ku garaacaan si ay ugu awood sheegtaan oo qolalkooda ugu xareeyaan.
Maxaabiista iyo ciidankii ayaa gacanta iskula tagay, wax la is jiidjiido oo la isku gacan qaadana waxaa dhacday in askartii qaarkood laga fara-maroojisto budadka oo dhaawacyo loogu geysto.
Arrintaas waxaa ka dhashay in ciidamo gurmad ah oo la yiraahdo “RRU” dadka ahlu diinkana u yaqaanaan (ashahaado la dirirka) iyo kuwa booliska, mana suura galin la maxaabiista la maquuniyo, illaa ugu dambeyntii ay arrinta soo fara galiyeen madaxda maamulka Somaliland dantuna ku kalliftay in ay cod baahiyeyaal kala hadlaan maxaabiista.
Waxaa goobta yimid waziirada gaashaandhigga iyo kan arimaha gudaha oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidanka, kuwaas oo maxaabiista ka dalbaday inay iska soo saaraan hal qof oo u hadla islamarkaana soo gudbiya cabashadooda iyo waxa ay tabanayaan.
Afhayeenkii ay maxaabiista iska soo saareen ayaa arrinta sideedii ugu sheegay wasiirada, wuxuu xusay in lala soo xiray nin Alle iyo Rasuulkiisa sc caayay, wixii dhib ah ee dhacayna ay dhabarka u ridanayaan ciidamada maadaama ay cabashadii loo soo gudbiyay u rogeen dagaal. Intaasi kadib waxaa maxaabiista laga aqbalay dalabkoodii iyagoo goobta laga saaray ninkii gaalka ahaa kaasoo la sheegayo in xabsiyo kale loo badalay.
Arrintan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaan dhulka Soomaalida, waxaana ay dadku la yaaban yihiin waxa ay gobolada Waqooyi ugu soo badanayaan dadka Allaah iyo Rasuulkiisa scw caayaya.