Faahfaahin Kasoo Baxaysa Toogasho Ka Dhacday Dalka Canada.
Wararka ka imaanaya dalka Canada ayaa tilmaamaya in dad msulmimiin ah lagu dhaawacay toogasho ka dhacay magaalada Toronto ee waqooyi galbeedka dalkaas, sida ay ku warantay warbaaahinta maxalliga ah.
Tv-ga CTV ee laga leeyahay dalka Canada ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday goob gaawarida la dhigto halkaas oo koox hubeysan oo aan la garaneyn ay rasaas ku fureen dad ku sugnaaa goobta islamarkaana kasoo baxay saaladda Taraawiixda, waxaana ka dhashay waxyeello soo gaartay dadkii la rasaaseeyay.
War rasmi ah oo kasoo baxay waaxda booliska ee magaalada Toronto ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka ay ku dhaawacmeen shan ruux oo da’dadoodu ay u dhaxayso 28 ilaa 35 kuwaasoo loo qaaday goobaha Caafimaadka.
Booliska ayaa intaas ku daray in dadkaan albeedy qabaan dhaawacyo halis ah madaama rasaastu ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka hadana xaaladooda lala tacaalayo.
Ma jiro ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay weerarkaan, balse laamaha amaana ee dowladda Canada ayaa sheegay inay baadi koob igu jiraan kooxihii falkaas geystay.
Dalka Canada ayaa kamid ah wadamada reer-galbeedka ee ku caan baxay islaam neceebka iyo dhibaateynta dadka Muslimiinta ah.