Faahfaahin: Khasaare Ka Dhashay Weerarkii Diinsoor Iyo Askari Lagu Dilay Afgooye.
Tafaasiil dheeraad ayaa kasoo baxaysa weerar xooggan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta duleedka degmada Diinsoor kula beegsadeen askar katirsan Xabashida Itoobiya.
Weerarkaan oo ahaa mid culus ayaa waxaa bar bar socday qaraxyo lala beegsaday ciidanka Xabashida, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaan lagu dilay 11 askari oo Itoobiyaan ah, halka dhaawacyo kala duwan lagu gaarsiiyay 7 kale.
2 Diyaaradood oo helokobtar ah ayaa kusoo degay goobta uu dagaalku ka dhacay, kuwaas oo daabulay meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Xabashida.
Dhanka kale ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay Cumar Shariif Cusmaan oo ahaa askari tirsanaa DF gaar ahaan ciidanka ku sugan deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.