Gudoomiyaha Degmada Balcad Oo Qarax Lagula Beegsaday Sh-Dhexe.

Kolonyo ciidan oo ka soo baxday degmada Balcad, kuna sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lal beegsaday qarax xooggan xili ay marayeen deegaanka Golaley.

Kolanyada qaraxa lagu weeraray ayaa waxay galbinaysay Guddoomiyaha degmada Balcad ee maamulka Hirshabeelle ninka lagu magacaabo Qaasim Cali Nuur (Furdug).

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa haleelay gaari C/Bilaha ah oo ay saarnaayeen askar ilaala u ah guddoomiyaha waxayna wararku ay tilmaamayaan inuu gubtay gaarigii.

Ilaa hadda lama xaqiijin waxa gaaray Guddoomiyaha degmada Balcad ee qaraxa lala beegsaday, balse waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah wixii ku soo kordha qaraxaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.