Howlgallo Khasaare Lagu Gaarsiiyay Shisheeyaha & DF oo Ka Dhacay Koonfurta Dalka.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan oo khasaare lagu gaarsiiyay shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka iyo xubno katirsan DF ka fuliyeen goballada Banaadir, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Dhaxe.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku waramaya in howlgallo lagu beegsaday saraakiil iyo askar katitsan DF ay ka dhaceen qeybo kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir .

Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku ekeeyay hooyga sarkaal ka tirsan maamulka degmada Dayniile kaasi oo lagu magacaabo Qaar-waare waxaa dhismaha la weeraray uu ku yaallaa xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada sarkaalka la beegsaday.

Sidoo kale rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal ay ka fuliyeen xaafadda Miisaanka-Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxay ku khaarijiyeen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee DF.

Dhanka kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay dagaal fool-ka- fool ah waxay ku qaadeen saldhiga degmada Diinsoor ee gobalka Bay waxaana la xaqiijiyay in halkaas lagu dhaawacay 4 askari oo uu kamid yahay sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Isxaaq.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sidoo kale xalay dagaal culus ku qaaday xerada ciidanka Xabashida Itoobiya ee haysta degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Ugu dambeyn ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta weerar toos ah ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Gololey ee gobalka Sh/Dhexe, halkaasi oo ay kuwada sugan yihiin askarta shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi iyo Soomaalida la shaqeysa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.