Imaarada Islaamiga Ah Ee Afgaanistaan Oo Mamnuucday Adeegsiga Aaladda Tik-Tok-ga

Xukuumadda islaamiga ah ee Kaabul ayaa gabi ahaanba gudaha dalka Afgaanistaan ka macmuucay isticmaalka aaladda ku caanka baxaday fasaadka iyo akhalaaq xumada ee Tik Tok-ga, si loo ilaaliyo akhlaaqda iyo qiyamka bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan dalkaas.

Ku-xigeenka Afhayeenka Imaarada Islaamiga ha ee Afgaanistaan ayaa sheegay in golaha wasiirada ee Imaarada ay soo saareen awaamiir ku wajahan wasaaradda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada, oo ah in dalka Afgaanistaan laga mamnuuco adeegsiga aaladda Tik Tok, si loo ilaaliyo jiilka Muslimka ah ee soo koraya.

Sidoo kale amarka kasoo baxay golaha wasiirada ee Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan waxaa dalka looga mamcuucay Geemka ama ciyaarta loo yaqaano PUBG.

Horay waxay Imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan dalkaas uga mamnuucday idaacadda ku hadasha afka Mareykanka ee VOA-da iyo tan BBC-da ee sida gaar ah u hoostagta aqalka boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham

Aaladda Tik Tok-ga ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ah bar ay si weyn u adeegsadaan dadka faafiya xumaanta iyo akhlaaq darida, waxaana ku xiran balaayiin dad ah oo kala jooga daafaha dunida, islamarkaana u badan dhalinyaro.

Sanadadii u danbeeyay gayiga Soomaaliya waxaa aad ugu soo badanayay dadka ku aafeysan aaladaan oo ku soo gudbiya xumaanta, mana jirto dowlad ama maamulka ka hortaga fasaadka aadaladan iyo kuwa kale, marka laga reebo wilyaadka Islaamiga ah oo ay ka arimiso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aysan ka jirin gabi ahaanba aaladahaan loo adeegsado dhaqan bi’iska guud haan dadka Musliinta si gaar ah Jiilka soo koraya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.