In Ka Badan 200 Oo Ruux Oo Ku Dhimatay Dagaallo Culus Oo Ka Socda Galbeedka Suudaan.
Dagaallo cuslus ayaa wali la soconaya gobalka Daar-Fuur ee dalka Suudaan iyadoona ay korortay tirada dadka ku dhintay dagaalladaas.
Iska hor imaadayada xooggan ee ka soconaya gobalka Daar-Fuur ayaa ku fiday caasimadda gobalkaas ee Janiinah, xilli ay socdaan xad gudubyo foolxun oo sababay dhimashada tobannaan ruux.
Mid kamid ah dadka magaalada ayaa waxa uu sheegayaa in dagaallo qaraar ay wali ka soconayaan gudaha caasimadda gobalka Daar-Fuur ee galbeedka dalka Suudaan.
Dhinaca kale waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay dagaalladaas taas oo gaartay 270 ruux.
Inkastoo ciidamo badan oo katirsan boliska Suudaan la geeyay gobalka hadana dagaallada ayaa ah kuwa wali halkooda kasii socda, iyadoona bandaw lagu soo rogay qeybo badan oo kamid ah gobalka Daar-Fuur.