In Kabadan 100 Qof oo ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Warshad Ku Taalla Dalka Nigeria.

Wararka ka imaanaya dalka Nigeria ayaa tilmaamaya in qarax xooggan oo khasaare culus geystay uu ka dhacay warshad saliidda lagu sifeeya oo ku taalla gobolka Imo ee dhaca koonfurta dalkaasi.

Saraakiisha dalka Nigeria ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay dhismaha warshad sharci darro ah oo sifeysa saliidda iyagoona xaqiijiyay in dad kor u dhaafaya 100 ruux ay halkaas ku dhinteen.

Shabakadda wararka ee Nigeria Today ayaa sidoo kale sheegtay in la hayo macluumaad ku saabsan ugu yaraan 150 qof oo si xun ugu gubtay dab ka dhacay dhismaha warshadda qaraxa kadib.

Dalka Nigeria oo hodon ku ah kheyraadka oo uu shidaalku kamid yahay ayaa waxaa ku badan warshado sharci daro ah oo ay oo dalkaas ay ka hirgeliyeen shirkado laga leeyahay dalalka reer galbeedka kuwaasoo ka faa’iidaysta kheyraadkaas, waxaana marar badan qaraxyo nuucaan oo kale ah oo ka dhacay dalkaas ku le’day dad rayid ah oo shaqaale ka ah warshadahaas sharci darada ah kuwaasoo aan la siin wax mag dhow ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.