In Kabadan 30 Askari oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Burkina Faso.
Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso ayaa tilmaamaya in rag hubeysan ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ciidamada militariga dalkaas ay ku leeyihiin waqooyiga wadankaasi, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askartii ku sugneyd saldhiga la beegsaday.
Ugu yaraan 16 askari oo katirsan ciidanka militariga Burkina Faso ayaa lagu dilay weerarka oo shalay ka dhacay deegaanka Namesingima ee gobolka Sanmatinga sida lagu xaqiijiyay bayaan maanta kasoo baxay taliska guud ee ciidanka militariga dalkaas.
Warka ka soo baxay taliska ciidanka xukuumadda Burkina Faso ayaa waxaa intaas lagu daray in weerarkaan sidoo kale ay ku dhaawacmeen 21 askari oo kale.
Sarkaal maxalli ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in ragga fuliyay weerarkaan lagu laayay askarta Burkina Faso loo badinayo inay katirsan yihiin jamaacada Jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Wal Muslimiin balse ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Nusratul Islaam oo ku aadan weerarkaan.
Tan iyo sanadkii 2015, dalka Burkina Faso waxaa ka dhacayay weeraro isdaba joog ah oo qaarkood ay masuuliyadooda sheegatay Nusratul Islaam Wal Muslimiin, halka kuwo kalena ay geesanyeen kooxo hubeysan oo mucaarad ku ah dowladda, kuwaasoo oo lagu dilay in ka badan laba kun oo ruux oo isugu jira ciidan iyo shaqaale dowladeed, halka ay ku barakaceen ku dhawaad 2 milyan oo qof.