Kamiin Ka Dhacay Sh/Hoose & Faahfaahin Khasaare Soo Gaaray Askarta Jubbaland.
Ciidamo katirsan kuwa DF oo ku socdaayay duleedka degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay ku dhaceen weerar dhabba-gal ah oo ay halkaas ugu sii diyaariyeen dagaalyanno katirsan Xarakada Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed oo soo gaaray askartii la kulantay weerarka jid-galka ah.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidanka DF ayaa lagu dilay kamiinka sidoo kale waxaa laga soo furtay labo qori iyo booshashkooda iyo hal moota oo ay wateen ciidankii ku dhacay kamiinka.
Dhanka kale warar dheeraad ah ayaa laga helyaa khasaare ka dhashay dagaal xalay milatariga Al-Shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Singaleer ee duleedka magaalada Kismaayo.
Sida aan wararka ku heledyno waxaa dagaalka lagu dhaawacay 2 askari oo katirsan cidanka Jubaland ee ku sugnaa fariisinka la weeraray.