Kamiin Lagu Dilay Askar Katirsan Jubbaland Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in duleedka magaaladaas weerar dhabba-gal ah lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbbaland oo ku socdaalayay halkaasi.
Ciidamada Millatariga Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay askartaan oo watay gaari nuuca raaxada ah xili ay marayeen agagaarka deegaanka Baarka ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana la xaqiiyay in halkaas uu ku gubtay gaarigii ay wateen ciidanka iyadoona askartii saarneyd ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.
Inta la xaqiijiyay 7 askari uu ku jiray sarkaal taliye horin ah oo lagu magacaabi jiray Ilkacase ayaa ku naf waayay weerarka kamiinka ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay mana jiro hal askari oo ka badbaaday kamiinka oo la socday gaariga la gubay.