Madaafiic Lagu Garaacay Teendhada Afisyooni oo Lagu Dhaarin Lahaa Xildhibaano.
Waxaa mar qura xaafado badan oo ka tirsan degmada Waabari laga maqlay jugta madaafiic xiriir ah taasoo lagu bartilmaameedsaday teendhada Afisyooni oo horey loogu qorsheeyay in maanta lagu dhaariyo xildhibaanada cusub.
Guutada madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa muddo daqiiqado ah duqeynayay xerada waxaana la xaqiijiyay in ay ku hoobteen dhowr gantaal, ciidamada Booliska ayaa wariyeyaal dhowr ah ka hor istaagay iney waqtigaasi goobta tagaan.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu garaacay teendhada Afisyooni oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho dacalkana ku heysta xeebta magaalada Muqdisho.
Lama oga in ay baaqan doonto doorashada xildhibaanada iyo haddii ay jiraan xildhibaano wax ku noqday weerarka duqeynta ah, arrintan ayaa muujineysa in Xarakada Al-Shabaab awood u leedahay iney gacanteeda gaarsiiso halka ugu dambeysa ee ay DF ku tilmaameysay in ay ka nabad wanaagsan tahay xarumahooda kale, waana halkii Farmaajo loogu doortay madaxweynaha.
Mar aan sii fogeyn ayay ahayd markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaaday xerada Xalane oo talis u ah shisheeyaha halkaasoo ay ku dishay saraakiil Reer galbeed iyo Afrikaan isugu jira.