Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Sheegay Inuu La Wareegay Shaqadii Dani.

Kadib markii hogaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani uu tagay magaalada Muqdisho si uu ugu tartamo xilka madaxtinimada DF ayaa waxaa dhacday in ku xigeenkiisii uu shaaciyay inuu isagu talada si kumeel-gaar ah ula wareegay.

Axmad Cilmi Cismaan (Axmad Karaash) ayaa ku dooday in dalku dayacan yahay, madaxweynuhuna iska baxay isagoon iscasilin arrintaasna ay kasoo hor jeedo nidaamkooda, sidaa darteed ayuu shaaciyay inuu isagu talada sii wadayo.

Karaash ayaa waxa uu yiri: “Mar, haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.”

Deni ayaa doonaya in haddii uu kusoo fashilmo doorashada Muqdisho uu Puntland ku laabto isagoo hogaamiye ah halkaasna kasii wato shaqadiisii, laakin lama oga sida uu xaalku noqon karo maadaama ku xigeenkiisii uu sheegayo inuu isagu la wareegay madaxtooyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.