Mas’uul Katirsan Guddiga Doorashada Oo Lagu Dhaawacay Qarax Ka Dhacay Jowhar.

Qarax xooggan oo saakay ka dhacay agaagaarka garoonka diyaaradaha macmalka ee magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa waxaa lala beegsaday mas’uul katirsan guddiga doorashooyinka heer Federaalka (FEIT).

Qaraxa oo haleelay gaari Qooqan ah oo uu lasocday mas’uulkaan oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacay mas’uulka bartilmaameedka ahaa iyo 1 askari halka sidoo kalena ay ku nafwaayeen 2 askari oo katirsanaa ilaaladiisa gaarka ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masu’uuliyadda weerarkaan lagu dhaawacay sarkaalkaan katirsan guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FIET.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.