Mas’uul Katirsan Maamulka Howlwadaag Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa howlgal qorshaysan waxay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Wararka naga soo gaaraya gobalka Banaadir ayaa ku waramaya in goordhow gudaha degamada Howlwadaag lagu khaarijiyay mas’uul katirsan dowladda Federalka.
Sida ay wararka tilmaamayaan mas’uulkaan la dilay ayaa katirsanaa saraakiisha maamulka degmada Howlwadaag waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle.
Raggii fuliyay howlgalka khaarijinta ah ayaa si nabad ah uga dhaqaaqay goobta waxaana sida ay sheegeen goobjoogayaal goor danbe halkaas soo gaaray askar katirsan DF iyagoona goobta ka qaaday meydka sarkaalka la dilay.