Mas’uuliyiin Ku Dhaawacmay Israsaaseyn Ka Dhacday Gaalkacyo.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa iska hor imaad hubeysan oo xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo ku dhex maray ciidamada maamulka Punland iyo askar ilaalo u ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo halkaasi ku sugan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu u sabab ahaa hogaamiyaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagu kasoo hor jeeda ol’ole isaga ka dhan ah oo uu halkaasi ka wado Wasiirka Dibadda DF oo taabacsan Farmaajo.

Gacan ka hadalka ciidan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka gurigii madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halkaasoo uu haatan deggan yahay wasiirka arrimaha dibadda DF Cabdisciid Muuse Cali oo shalay uun yimid Galkacyo, wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo saraakiil kale oo ay ilaalo hubaysani u joogaan goobahaas.

Taliye kuxigeenka qaybta gobolka Mudug ee Puntland Cabdi Siciid Xuseen Koomaad, duqii hore ee magaalada Galkacyo Yaasiin Cabdisamad iyo askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmay is raasaasaynta.

Dhacdadani waxay timid kadib markii ciidamo taabacsan Deni ay tageen aaggaas iyagoo sheegaya iney baaritaan sameynayaan, taasina waxay keentay iney isku dhacaan askartii kale ee halkaasi joogtay, ciidanka Deni ayaa ka hor tagayay shirar uu maamulku ka digay oo ay qabsanayeen wufuuda ka socda DF, duqii hore ee Gaalkacyo iyo xubno kale oo maamulka Puntland ka tirsan.

Yaasiin Cabdisamad oo ah duqii hore ee Galkacyo ayaa aad u mucaaradsanaa Saciid Deni isagoo mar walba hadallo dhaliil ah u marin jiray warbaahinta, waxaa dhaawaciisa la dhigay isbitalka lamana oga sida uu xaalkiisu yahay. DF ayaa dhankeeda aamisan in weerarka Gaalkacyo lagu dili lahaa Wasiirkeeda arrimaha dibadda.

Hogaamiye Deni ayaa arrimahan ka hagayay magaalada Muqdisho oo uu dhawaan tagay si uu uga qeyb galo doorashada madaxweynenimo ee DF, waxaana umuurahan ay kusoo aadayaan iyadoo madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmad Karaash uu maalintii shalay shaaciyay inuu isagu yahay madaxweynaha KMG ee Puntland maadaama Deni uu hawlo kale kale.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.