Sababta Uu Farmaajo Xafladda 12 April Ugu Labisan Dharka Ciidanka. (Warbixin)

Madaxweynaha DF, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad u jeediyay qaar kamid ah ciidamadiisa oo ku sugnaa xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ee Soomaaliya si uu ugala qeyb galo mid kamid ah munaasabadahooda dabaal degga ah.

Waxay ahayd sannad guurada 62aad ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana hadalkiisa laga dheehanayay niyad jab iyo walaac badan.

Muuqaal ahaan marka uu munaasabaddan oo kale ka qeyb galayo wuxuu soo xiran jiray dharka ciidanka isagoo aad ugu goodin jiray Xarakada Al-Shabaab iyo cid walba oo nidaamkiisa iyo sidii wax u wado kasoo hor jeeda, laakin maanta qaabkaasi waa uu ka duwanaa.

Farmaajo ma uusan soo xeran labiska milatariga, khudbaddiisuna waa ay ka gaabsanayd khudbadihii hore, oo kaliyana wuxuu ku celceliyay inuu dalka ka badbaadiyay gumeysi iyo dowlado shisheeye oo damac gurracan ka leh sida Kenya oo la ogyahay in ay ciidamadeedu heystaan qeybo kamid ah Soomaliya.

DF ee haatan jirtay ayaa Kenya u suura galisay in loo gooyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Itoobiya u saxiixday 4 kamid ah dekedaha wadanka.

Fashilka heysta ciidamadiisa ayaa wuxuu qiil uga dhigay cunaqabataynta hubka ee ka saaran dhanka shisheeye heer ay dowladdiisu gaartay xataa in aysan miino soo iibsan karin, wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan saarnayn wax cunaqabatayn hub ah (waa sida uu hadalka u dhigaye”

Waxa kale oo la yaab lahaa inuu u tacsiyeeyay oo kaliya ciidamadii iyo taliyaashii DF ee ku baxay gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, hase ahaateen uusan marnaba u tacsiyeyn ciidankii iyo saraakiishii ay shisheeyuhu dileen, sida kuwii ku dhintay dagaaladii Itoobiya lala galay 1977kii iyo askartiisii ay Kenya ku dishay agagaarka Baladxaawo sannadkii lasoo dhaafay. Waxaa la isweydiin karayaa sababta ay tacsida ku muteysan waayeen ciidankii shisheeyaha la diriray?

Arrinta xusidda mudan ayaa waxay tahay inuusan marnaba soo hadal qaadin eedeymaha uga imanaya bulshada, siyaasiyiinta iyo xataa saaxiibadiis uu ku jiro Ra’iisulwasaarihiisa, sidoo kale wuxuu iska indha-tiray cabashada joogtada ah ee kasoo yeereysa waalidiinta uu wiilashooda ka iibsaday dowladaha Qadar iyo Eratariya kuwaasoo qaarna la dilay qaarna beeraha Eratariya lagu fasho.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ay isku filnaanshiyo dhanka ciidanka ah gaari doonaan marka la gaaro sannadka 2024, hadalkaas oo laga dheehanayo inuu doonayo in tan iyo xilligaas uu kursiga kusii fadhiyo.

Mudadii ay munaasabaddu socotay waxaa Farmaajo loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqa dad weynaha, goobta xafladdana kama muuqan wax ka socda xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo uu khilaaf ba’an kala dhaxeeyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.