Maxamuud Sayid Aadan: “Haddii Ay Amisom Naga Tagaan Shabaab Dalka Wey Qabsanayaan” (Dhageyso)

Tan iyo markii si rasmi ah loo shaaciyay bixitaanka ciidamada shisheeye ee Amisom, waxaa aad usii laba jibaarmay cabsida ay DF ka qabto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay u aragto dowlad kale oo ka barbar dhisan dhan kasta oo horumar ahna uga horreyso.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ee ay Kenyaatiga iyo Xabashidu ku ilaaliyaan magaalooyin ay kamid yihiin Kismaayo iyo Garbahaarey ayaa muujiyay iney wajahayaan halis weyn haddii laga dhabeeyo bixitaanka ciidamada shisheeye.

Isagoo wareysi bixinayay ayaa wuxuu si cad u sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood u leedhaay iney dalka oo dhan hanato haddii shisheeyuhu ka hulleelaan dalka, arrintaas wuxuu usababeeyay dhowr qodob oo ay kamid yihiin in Mujaahidiintu hanteen kalsoonida bulshada islamarkaana iyaga oo kaliya loo doonto garsoorka iyo cadaaladda.

Maxamuud ayaa xusay in Xarakada Al-Shabaab ay leedahay awood ciidan oo aysan hor istaagin karin ciidamada DF, isaga oo kaliyana ma ahan dadka qaba walaacan ee dhammaan madaxda DF ayaa qaba ineysan saacado kasii dambeyn karin ciidamada shisheeye haddii ay dalka ka baxaan.

Arrintan ayaa muujineysa in (hal bacaad lagu lisay) ay noqdeen maamuladii ay mudada dheer dhaqaalaha badan ku bixinayeen shisheeyaha, madaxda DF ayaa waxay waaya aragnimo ka qaateen wixii ka dhaca Afganistaan iyagoo indhahooda ku arkay dadkii la shaqeynayay Mareykanka oo qaarna la xabadeynayo kuwa kalana inta loo diiday diyaaradihii Mareykana dantu ku kalliftay iney baalasha diyaaradda qabsadaan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.