Maxay Al-Shabaab Ka Yiraahdeen Digniintii Nisa Ee Ahayd In La Beegsanayo Madaxda DF? (Warbixin)

Kadib markii taliska sirdoonka DF uu shaaca ka qaaday in ay jiraan weeraro ay qorsheynayaan xogaga jihaadiyiinta ee Al-Shabaab, arrintanna noqotay midda ugu hadal heynta badan 24kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xog laga helay dhanka Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Jihaazka amniga ee Xarakada Al-Shabaab oo ay la xariirtay mareegta Somalimemo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warka Nisa.

Sarkaalka oo ay shabakaddu magaciisa u qarisay sababo ammaan ayaa waxa uu yiri: “Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta ridada iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn Murtadiinta, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen”

Sarkaalka ayaa sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Mujaahidiinta, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

” Hadalka kasoo yeeray sirdoonka ridada wuxuu noola muuqdaa mid salka ku haya mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu sareysa ridada” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Amniga Al-Shabaab kaas oo shaaciyay in waqtiga lagu soo aadiyay hadalkaas iyo qaabka uu u qoranyahayba ay tilmaamayso xubno gaar ah oo iyagu dareensan halista kusoo wajahan balse aanan lahayn awoodii ay iskaga difaaci lahaayeen halistaas ama ay si cad ugu shaacin lahaayeen inta aysan albaabka usoo gar-garaacin sida uu sarkaalku hadalka u dhigay.

” In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha ridadu mar walba bartilmaameed noo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay sarkaalka ka tirsan jihaazka amniga Xarakada Al-Shabaab.

Hey’adda Nisa ayaa marar badan lagu eedeeyay iney dhibaatooyin ka dhex geysato DF kadibna u saariso Xarakada Al-Shabaab, waxaana la ogaa dilkii ay kula kacday Ikraan Tahliil oo isla hey’addooda ka tirsanayd taasoo ay dilkeeda iska fogeeyeen Jihaadiyiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.