Milatariga Al-Shabaab oo Maanta Dagaal Ku Qaaday Xabashida Heysata Diinsoor.
Dagaal ayaa maanta lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee heysta degmada Diinsoor ee wilaayada Bay iyadoo si gaar ah loo beegsaday xeryaha iyo dhufaysyada ciidamada shisheeye.
Wararka naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in muddo saacad ah la maqlayay hugunka hubka la isku adeegsanayay. Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu qaaday weerar madaafiic ah iyo dagaal toos ah.
Madaafiicda ayaa waxaa lala beegsaday halka taliska u ah, waxaana jira khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray sida aan wararka horudhaca ah ku heleyno.
Waxaa duqeynta u wehliyay dagaallo toos ah oo lagu qaaday, magaalada gudaheeda ayaa waxaa lagu arkay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, todobaadyo ka hor waxaa Diinsoor isaga baxay maamulkii degmada iyo ciidamadii Soomaalida ahaa ee wehlinayay Xabashida kadib markii ay xaaladdu ku adkaatay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku go’doonsan degmooyinka ay heystaan mana awoodaan iney dhulka ku socdaalaan oo sahayda isgaarsiiyaan. Itoobiya ayaa ah cadaw soo jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay waxaana ay dadka intooda badan aaminsan yihiin in kuwa Xabashida dadka u loogaya ay yihiin maamulada maqaar saarka ah ee ka dhisan qeybo kamid ah Soomaaliya.