Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab Oo Soo Furtay Maxaabiis Ay Kamid Yihiin Rag Mujaahidiin Ah

War kooban oo kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee dalka Yeman ayaa lagu xaqiijiyay in ay soo furteen maxaabiis muslimiin ah oo ay ku jiraan rag katirsan Mujaahidiinta, kuwaas oo gacanta ugu jiray isbahaysiga duullaanka ku jooga dalka Yeman.

Waxay Mujaahidiintu sheegeen in muddo ka badan hal bil oo daba gal iyo indho indheen ah kadib ay usuura gashay inay soo xureeyaan 10 kamid ah maxaabiista Muslimiinta ee ay isbahaysigu carbeed ku xireen Magaalada Sey’uun ee gudaha dalkaas.

Waxay intaas ku dareen in maxaabiista iyagoo bad qaba ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Mujaahidiinta, iyadoona arrintaan dhabar jab ku tahay isbahaysiga duullaanka millatari ku jooga dalka Yeman.

Qeybaha dambe ee warka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dalka Yeman ayay Ansaaru Shareecah wacad ku mareen inay sii wadi doonaan soo furashada maxaabiista Muslimiinta ah ee ku jira dhammaan xabsiyada intii karaankooda ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.