Qarax Lagu Dilay Askar Katirsan DF & Howlgallo Kale Oo Ka Dhacay G/Banaadir.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa howlgallo kala duwan oo isugu jira qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo fariisimiyaal ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda Federalka.
Askar katirsan ciidanka DF ayaa qarax khasaare geystay lagula beegsaday deegaanka Tabeelaha Sh.Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Askartaan oo qaraxa lala eegtay xili ay lugeynayeen ayaa waxaa inta xaqiijiyay ku dhimatay 2 askari halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Sidoo kale goobaha caawa ay ciidanka Shabaabul Mujaahidiin weerareen waxaa kamid ah fariisin ay askarta DF ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale ciidamo katirsan Al-Shabaab ayaa caawa weerar toos ah ku qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaadhiga DF ee magaalada Muqdisho waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare lagu gaarsiiyay askartii ku sugneyd xarunta la beegsaday.
Howlgaladaan ayaa ku soo aadaya xili maanta ciidamada Al-Shabaab ay tiro madaafiic ah ku weerareen xarun Baarlamaanka ee Villa Hargeysa oo uu ka socday kulan ay isugu yimaadeen labada gole ee Baarlamaanka dowladda Federaalka.