Qarax Lagu Dilay Sarkaal Katirsan Jubbaland Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
Barqanimadii maanta waxaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday sarkaal katirsanaa ciidamada Maamulka Jubbaland.
Qaraxaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeeysa deegaannada Buula-Gaduud iyo Baarka, waxaana ka dhashay khasaare culus oo gaaray Jubbaland.
Taliyii heystay ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaannada Baarka iyo Buulo-Guduud oo lagu magacaabo “Mural” ayaa lagu dilay qaraxa maanta ka dhacay duleedka Kismaayo.
Sidoo kale waxaa taliyaha la dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa, waxaana gabi ahaanba bur buray gaari qooqan ah ah oo uu watay taliyaha lagu dilay qaraxaan.