Rooble oo Amray In Francisco Madeira uu Dalka Ka Boxo Iyo Farmaajo oo Kasoo Hor-jeestay.

Ra’iisulwasaaraha DF, Maxamad Xuseyn Rooble ayaa qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa ku amray in muddo 24 saac gudahood ah uu dalka isaga boxo Wakiilka Midowga Afrika, Francisco Madeira.

Roobka wuxuu sheegay in ninkan uu yahay mid aan ka shaqeeneyn wanaagga islamarkaana hadda kadib aan laga oggoleyn Soomaaliya, wuxuuna ururuka Midowga Afrika ka codsaday inuu soo magacawdo wakiil kale.

Ergaygan ayaa lagu eedeynayaa inuu dagaal hoosaad ku waday Rooble iyo qaar kamid ah musharaxiinta, ajaanib kale oo gacan saar la leh Rooble ayaa Internetka soo galiyay cod ay ka duubeen isagoo meel ka dhac ku sameynaya Rooble, Xassan Sheekh iyo Shariifka.

Dhanka kale Madaxweynaha DF Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo hor jeestay mowqifka Ra’iisulwasaaraha taa badalkeedana wuxuu garab istaag u muujiyay danjiraha la ergayay Francisco Madeira.

Qoraal uu xalay saqdii dhexe soo baahiyay ayaa waxa uu ku sheegay in aysan jirin wax xumaan ah oo uu ku kacay Madeira islamarkaana aysan jirin wax warbixin ah oo ay arrintan kasoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Farmaajo ayaa waxa uu yiri “Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.” sidaasi waxaa yiri Farmaajo.

Siyaasiyiinta sida dhow ula socda DF ayaa waxay sheegaya in xiisadda hadda socota ay ku lug leeyihiin ajaanib kale oo daggan Xalane kuwaasoo la kala safan Rooble iyo Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.