Sarkaal iyo Askar katirsan DF Oo Maanta Muqdisho iyo Afgooye Lagu Kala Dilay.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday xubno katirsan DF waxay ka kala fuliyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Duhurnimadii maanta waxaa degmada Afgooye ee oo qiyaastii 30 km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu toogtay 2 askari oo katirsan ciidanka DF.
Sida aan xogta ku helnay labada askari ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaasim iyo Cumar.
Dhanka kale rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow waxay magaalada Muqdisho ku khaarijiyeen Xirsi Xagaley oo ahaa sarkaal 2 xidigle ah oo karirsan ciidanka DF.
Howlgalka lagu dilay sarkaalkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.